Hot Topics

Wasiirka Amniga Puntland oo amar deg-deg ah siiyay Ciidanka Booliska Puntland (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa saaka kormeeray Ciidanka Booliska Gobalka Bari ee ku sugan Dekedda magaaladda Boosaaso iyo qeybo kale oo kamid ah saldhigyada Booliska.

Kormeerka ayaa la xariiray u kuurgalida u diyaarsanaanta Ciidanka ee xaqiijinta Amniga magaaladda Boosaaso. Waxaana Wasiirka ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka Daraawiish-ta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere iyo Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo ka warbixinayay Xarumaha ay boqdeen wafdigaan ayaa mid mid uga warbixinaayay amaanka iyo sida ay ciidamada ugu diyaarsan yihiin sugida amniga guud ee Gobalka Bari.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa ku bogaadiyay Ciidanka Booliska Gobalka Bari xaqiijinta Amniga Gobalka, gaar ahaan magaalo ganacsiyeedka Boosaaso, isagoona kula dardaarmay in la dardar-galiyo xoojinta Amniga iyo la shaqeynta Shacabka.