Ciidanka Amniga Puntland oo howlgallo ka sameeyay Buuraleyda Gobalka Bari

Ciidammada Amniga Dowladda Puntland ayaa howlgallo ka dhan ah kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish ka fuliyay Buuraleyda Gobalka Bari.

Howlgallada ayaa Saraakiisha hoggaamineysay waxaa ay sheegeen in sigar ah looga sameeyay dhulka Buuraha ah ee Cal-miskaad iyo Calmadow, halkaas oo ah Xarumaha ugu waaweyn ee Al-Shabaab & Daacish.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in meelaha ay howlgallada Ciidamada ka sameeyeen ay aheyd Goobihii ugu weeynaa ee Al-Shabaab & Daacish ay hubka iyo Agabka kale ay ku xareysan jireen.

Wasiir Gallan ayaa xusay in Ciidammada Puntland ay ka guuleysan doonaan cid kasta oo isku dayda inay sameeyso falal Amnidarro, isla markaana howlgallada ay sii wadi doonaan