Hot Topics

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey iibinta xarunta Bankiga dhexe ee Gaalkacyo

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta ansixiyay iibka laanta Bankiga dhexeDowladda ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa warqad codsi iib ah u soo diray Baarlamaanka, maadaama dhulka danta guud ee dowladda wixii ka badan 50,000 ay u baahan tahay in baarlamaanku ansixiyo.

Iibka laanta bankiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo ayaa lagu sababeeyey in uusan ku haboonayn in bankigu ku shaqeeyo islamarkaana lacagta lagu iibiyo lagu dayactiri doono laanta Bankiga ee Gaalkacyo.

Idilnews