Hot Topics

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Safiirka Kenya ee Soomaaliya (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble ayaa ku qaabilay Xafiiskiisa Safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Mudane Lucas Tumbo.

Ra’iisul Wasaare Roble iyo Danjire Lucas Tumbo ayaa ka wada-hadlay hagaajinta iyo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dariska ah.