Hot Topics

Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed oo doortay Guddoomiye iyo kuxigeen (VIDEO)

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee heer Dowlad Gobaleed ee matalaya Koonfur Galbeed ayaa ku doortay Magaalada Muqdisho Guddoomiyaha iyo Guddoomiye kuxigeenka Guddiga.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa loo doortay Yuusuf Cabduqaadir Maxamed Baffo oo heley Codad gaareya 10-cod halka Maxamed Cabdullahi isxaaq oo la tartameyey uu heley 1cod

Sidoo kale, Gudoomiye Kuxigeen Guddiga ayaa loo doortay Nuurdiin Ibraahim Aadan oo heley Codad gaaraya 9 cod, halka Cabdullaahi Cabdi Mudalib uu helay 2-cod.

Sidoo kale, Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay guddoomiyeyaal iyo kuxigeenadooda ay doortaan Guddiyada doorashooyinka, Maamulada, Puntland, Galmudug, Hir-Shabeelle, Jubbaland, kuwa Banaadiriga iyo Gobolada Waqooyi oo loo yaqaan Soomaaliland.