Maamulka degmada Burtinle oo soo bandhigay sagaaro badan oo la’ laayay (VIDEO)

Booliska Dowladda Hoose ee degmada Burtinle ee Gobalka Nugaal ayaa maanta soo bandhigay ku dhawaad 40 xabo oo Garanuug iyo sagaaro ah, taas oo ay soo dileen Rag ugaarsato ah.

Maamulka degmadda Burtinle ayaa sheegay inay Talaabo ka qaadi doonaan kooxaha Ugaarsatada ah ee dila duurjoogta ay ku jirto Sagaarada oo kamid ah duur-joogta naadirka ah ee Soomaaliya ku haray.

Idilnews