Hot Topics

VIDEO: Guddoomiye Sanyare oo furay Kalfadhigga Golaha Deegaanka degmadda Xarfo (Sawirro)

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa furay Kala fadhiga kolaha Deegaanka Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug.

Munaasibadan ayaa waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Degmada Xarfo, Xildhibaano Golaha Deegaanka Degmada Xarfo, Ganacsato, Nabadoono, Odoyaal dhaqameed, Ururada Dhalinyarada, bahda Waxbarashada iyo shacab kale.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa yiri ” waxaan ei toosa idin kugu furmay Kalafdhiga Golaha Deegaanka Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug, intaad ku jirtaan kala fadhiga waxaan idin kula dardaarmayaa waxaan ku rajawaynahay waxbadan oo bulshada Deegaankan wax tar u ah inaad soo saari doontaan kala fadhigu waa isla xisaabtan iyo jaangoynta qorshaha lixda bilood ee lagu hagayo Shaqada Dowladda Hoose.