Hot Topics

Puntland oo si casri ah u dhisaysa garoonka Kubadda cagta Boosaaso (VIDEO+Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhalinyarada & Ciyaaraha Dowladda Puntland Jaamac Faarax Muuse, ayaa maanta qeyb ka ahaa dhagax-dhiga dib u dhiska garoonka kubadda Cagta ee Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari.

Munaasabadda Dhagax-dhiga dhismaha garoonka ayaa waxa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Bari, Duqa Degmada Boosaaso iyo Masuuliyiin kale.