Hot Topics

Dad shacab ah oo lagu dilay Gobalka Mudug

Dabley hubeysan ayaa xalay saqdii dhexe dad shacab ah ku dilay miyiga deegaanka Xero-jaalle ee degmadda Goldogob ee Gobalka Mudug.

Dad weerarka lagu dilay oo ah 2 Ruux, ayaa ahaa xoolo dhaqato, waxaana kooxda dilka geysatay ay kasoo jeedaan Koonfurta Gobalka Mudug ee Galmudug.

Weerarka oo salka ku haya aanooyin qabiil, ayaa la rumeysan yahay inay soo abaabushay kooxda Al-Shabaab, si ay isaga dajiso culeyska gulufka dagaal ee ka dhanka ah, kaas oo ay wadaan Ciidammada Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug.

Idilnews