Madaxweynaha Puntland oo casho-sharaf u sameeyay kuxigeenka Safiirka QM (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland caawa Casho Sharaf ugu sameeyay Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho iyo Wafdi ka socda Safaarada Finland ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Xubno ka mid ah goleyaasha dowladda iyo Saraakiil Madaxtooyo.