Hot Topics

Jubbaland oo amaro culus kasoo saartay Amniga deegaanadeeda

Saraakiisha Ciidamada dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa AMISOM, oo kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay soo saareen Go’ano la xiriira amniga gaar ahaan sidii loo sugi lahaa amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaannada Aqalka Sare.

Kulanka oo ka dhacay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa laga soo saaray Go’aano dhanka Amniga ah oo badankood la faray Saraakiisha kala duwan iyo Ciidamada dowlad Goboleedka Jubbaland.

Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Cismaan Dhuumaal ayaa faray laamaha Amniga Jubbaland inay u diyaar garoobaan amniga doorashooyinka, isla markaana dib u habeyn lagu sameeyo goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dib u habeyn lagu sameeynayo Goobaha laga soo galo magaalada Kismaayo iyo in askari ama sarkaal kale oo ka tirsan Jubbaland in uu u hoggansamo awaamiirta Madaxda xukunta ama tallaabo laga qaadi doono.

Go’aanada la xiriira Amniga ee kasoo baxay Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Maanta lagu wado in Magaalada Kismaayo lagu qabto doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare.

Idilnews