Hot Topics

Amniga deegaanada Puntland oo si weyn loo adkeeyay

Amniga deegaanadda Puntland ayaa si weyn loo adkeeyay, xilli maalinimada berrito ah ay guud ahaan deegaanada Puntland ka bilaabanayaan dabaal-degyada iyo xuska 1-da August.

Boqolaal kamid ah noocyada kala duwan ee Ciidammada Puntland ayaa lagu soo daadiyay waddooyinka magaalooyinka waa weyn ee Puntland, sida Garoowe, Boosaaso, Gaalkacyo, Qardho, Badhan iyo deegaano kale, kuwaas oo baaris ku sameynaya gaadiidka dadweynaha.

Sidoo kale, Ciidammada ayaa wareysanaya dadka shacabka ah, kuwaas oo ay ku dhiiri-galinayaan inay kala shaqeeyaan sugida amniga maalmaha ay socoto xuska 1-Augusto

Deegaanada Puntland ayaa waxaa si weyn uga socota qaban-qaabada xuska 1-da August, Puntland oo la aas-aasay sanadkii 1998-dii ayaa sanad walba berri oo kale u dabaal-degta dhismaheedii, iyo guulaha taariikhiga ah ee ay gaartay.

Idilnews