Hot Topics

Xogihii ugu danbeeyay Ee Dagaalka Ethiopia

1..galbeedka Magaalada Kobo’ ayuu Dagaal adag ku dhaxmarayaa Xoogaga Tigray ee TPLf iyo Xulufada Dawlada dhexe..

2….Dawlada Dhexe Ethiopia’ ayaa sheegtay inay Gacan adag ku qaban donto’ kuwa Raba inay Dalka Burburiyaan,…

3…magaalada Awru ee gobalka Canfarta’ ayuu Dagaalkii ugu cuslaa ka socdaa’ ilo wareedyo ayaana Ogaadenia media usheegay inu Khasaaruhu aad ubadan yahay” xaaalduna ay aad uxuntahay.

4…Ciidamada huwanta ah’ ee Dawlada dhexe iyo Ciidamada Tigray’ ayaa ku Dagalamaya’ galbeedka Gobalka Tigray’ halkaas oy Furintii Afraad ka bilaabatay.

5.. magaaloyinka gidan, angot, Gubalafto, oo katirsan’ Gobalka wollo’ ayay Dagaaladu halaakeyeen’ Xoogaga Tigray’ ayaana sheegay inay Hormar ka sameyeen’ agaas’ iyago sheegay inay gacanta ku dhigeen,. Meelo kamid ah. Waa siday hadalka udhigene..

6…Ciidamada huwanta ah’ ayaa iyaguna guul ka sheegtay’ Dagaalka dhinaca Gobalka wollo’ iyago sheegay’ inay dib urixeen Ciidamada TPLF’ ee Furinta hore Wollo ku sugnaa.

7..Buuraha zobel, ee Xuduuda Canfarta iyo Axmaarada kuyaalo’ ayay Dagaalo adag ka socdaan kuwaaso udhaxeeya Ciidamada huwanta ah’ iyo TPlf.

8.. wali wuxuu Dagaal adag ka socdaa’ Kulmesk’ oon ka fogayn magaalada muji’ khasaarihii ugu badnaa ayaana ka dhashay’ Labada Dhinca’ ee Ciidamada huwanta ee Dawlada iyo Tigray’ ayaana guulo hordhac ah’ kala sheganaya.

9…Dagaalada ka socda Waqooyiga Gonder, ee udhaxeeya Ciidamada Dawlada iyo Xoogaga Tigray’ ayay Dagaalka kuso biireen Ciidamada Eritrea oo Garab siinaya’ Ciidamada huwanta ah’ ee Dawlada,’ Dagaalka ayaana ku fiday’ Waqooyiga Gonder’ Goob-jogayaal ayaa ogaadenia media usheegay…

10..Korontadii laydhkii iyo Biyahii ayaa laga Goyay magaalada waldiya’ oo ah’ Furinta ay Ku kordagalamayaan Dawlada iyo TPlf’ siday shegeen ilo wareedyadu…

11..Beesha Calamka ayaa dawlada iyo TPLf ugu baaqday inay Colaada Wada hadal ku dhameyaan.

12… ugu yaraan 100kun oo Caruur ah’ ayaa Halis ugu jira’ Gobalka Tigray’ inay Gaajo udhintaan.

13..Dagaalo udhaxeeya Ciidamada Dawlada iyo Ciidanka Xoraynta oromia OLA’ ayaa ka dhacay Galbeedka shewa iyo iyo Degaamo kalo katirsan’ Oromia, siday ilo wareedyadu kuso waramayaan.