Hot Topics

Puntland iyo UNOCHA oo ka wada-hadlay fatahaadaha iyo Abaaraha soo noq noqda (VIDEO)

Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Waxbarashada, Caafimaadka, iyo Haweenka ee Dowladda Puntland ayaa kulan wadajir ah kula qaatay magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland Madaxa Hay’adda UNOCHA ee Soomaaliya Ian Ridley oo ay weheliyaan ku xigeenka Gintare Eidimtaite iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska hay’adaas ee Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay Arimaha bini’aadantinimada, sida Ayaxa, fatahaadaha iyo Abaaraha soo noq noqda iyo sidii la isugu dubba -ridi lahaa deeqaha caalamiga ah ee la xiriira arrimaha bini’aadanimada ee UN-ka.

Sidoo kale, Wasiirada Puntland iyo Madaxda Hay’adda UNOCHA ayaa intii uu socda shirkooda isla soo qaaday mashaariicaha horumarineed iyo sidii looga gudbi lahaa gaabis yada jira.

Idilnews