Hot Topics

Aas Qaran oo loogu sameeyay magaaladda Garoowe AUN Wasiir Asad Xuseen (VIDEO)

Waxaa qabuuraha Islaan Maxamed ee duleedka magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland Aas Qaran loogu sameeyay Allaha u naxariistee Marxuum Asad Xuseen Xaashi, Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland oo xalay ku geeryooday magaaladda Garoowe.

Wasiiro, Xildhibaano, Isimo, Waxgarad, Culimo-awdiin iyo Eheladiisa ayaa ka qeybgalay Aaska Marxuumka, waxaana madasha Aaska hadalo tacsi ah ka jeediyay Wasiiro iyo Xildhibaano kamid ah Dowladda Puntland, kuwaas oo alle uga baryay inuu qabriga waasiciyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay.

Idilnews