Hot Topics

Maxay Soomaaliya ka doonaysaa Kenya ?

Maalinta berri Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa socdaal rasmi ah ku tagaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, si ay u wada hadlaan Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa xumaa labadii sano ee la soo dhaafay.

Sanadkii hore Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay Kenya kaddib markii ay ku eedeysay in ay faragelin ku hayso arrimaheeda gudaha, waxaase xiriirka diblomaasiyadeed la soo celiyay laba bil ka hor markii ay dhexdhexaadisay dowladda Qadar.

Dowladda Soomaaliya waxa ay hakisay qaadkii ka imaan jiray Kenya, sidoo kale labada dal ayaa adkeeyay dal ku galka ay muwaadiniinta labada dal ugu safraan Muqdisho iyo Nairobi, waxaa adkeyntaas socdaalka ka mid ah in Kenya ay hakisay in masuuliyiinta Soomaaliya ay dal ku galka ka qaataan garoomada Kenya marka ay yimaadaan, waxaa kaloo ay canaaddaa dadka wata baasaboorrada Service-ka iyo kuwa diblomaasiga ah oo qaarkood ay soo celisay iyagoo wata dal ku gal.

Haddaba maxaa muhiim u leh Soomaaliya?

Soomaaliya waxa ay kenya kala hadli kartaa saddex arrin oo hortabin u leh, kuwaasoo dhammaantood horay looga heshiiyay, laakin ay Kenya fulin waysay.

1. Joojinta fara gelinta arrimaha gudaha Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya waa in ay ku adkeysayaa oo ay shuruud wayn ka dhigtaa in Kenya ay joojiso fara gelinta arrimaha gudaha Soomaaliya.

Arrintan oo qeyb wayn ka ahayd khilaafka labada dal waa mid lama taabtaan u ah Soomaaliya. Inkasta oo ay inkirsan tahay dowladda Kenya jiritaanka arrintan, haddana waxaa lagama maarmaan ah in ay ballan qaaddo in ay ilaalinayso madax bannaanida daleed, dhuleed, siyaasadeed iyo siyaadada dalka Soomaliya.

2. Socdaalka iyo dal ku galka (Visa)

Kenya iyo Soomaaliya waxa ay saddex mar (2016, 2017 iyo 2019) ku heshiiyeen in dadka wata baasaboorrada Service-ka iyo kuwa diblomaasiga ah laga dhaafo dal ku galka (visa) ama ay garoomada labada dal ka qaataan dal ku galka (fiisaha). Arrintaan oo December 2016-dii lagu beddeshay in Kenya qaadka ay usoo dhoofiso Soomaaliya, marna lama fulin, waxaa diidday dowladda Kenya oo marba keeneysay marmarsiyo hor leh.

Sanadihii la soo dhaafay Kenya waxa ay garoomadeeda ka soo celisay mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo wata baasaboorro diblomaasi ah iyo kuwa Service-ka oo qaarkood haystay dal ku galka Kenya, iyagoo joojiyay in ay xildhibaannada iyo wasiirrada Soomaaliya ay Dal ku galka ka qaataan garoomada Kenya, taas oo loo oggolaa muddo dheer.

Ra’iisul Wasaare Rooble waa in uu ku adkaystaa wax ka qabashada arrintan, oo waliba uu hubiyaa in aysan Kenya ballan qaad afka ah kaliya bixin halka dhinaca Soomaaliya ay ka gaarayso danaheeda, marka laga soo tago dadka ku safraya baasaboorrada diblomaasiga ah iyo kuwa Service-ka, waxaa kale oo muhiim ah in lagala hadlo in ay fududeeyaan dal ku galka baasaboorka caadiga ee shacabka ama ay ka dhigaan in garoomadooda laga qaato.

3. Isu-dheeli tirka ganacsiga labada dal

Kenya waxa ay Soomaliya u soo dhoofisaa badeeco badan, Qaadka, caleenta shaaha, cunto iyo dhar ayaa ka mid ah, waxaa huban in ay ajandaha ku darsan doonto in dib loogu oggolaado in ay qaadka u soo dhoofiso Soomaliya.

Dhinaca kale Soomaaliya waxba uma dhoofiso Kenya, waxaana Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdigiisa laga sugayaa in ay kala hadlaan Kenya in ay oggolaato in loo soo dhoofiyo badeecadaha laga helo Soomaaliya sida qudaarta, kalluunka iyo kuwa kale ee loo baahdo.

Kenya dhowr jeer ayay ka baxday heshiisyo ay la gashay Soomaaliya ama ay ku guul darraysatay in ay dhaqan geliso. Heshiisyadaas waxaa ka mid ah qodobbada kore oo dhowr jeer laga heshiiyay laakin aanan fulin, waxaa Ra’iisul Waaaaraha iyo wafdigiisa laga doonayaa in ay arrintaan u sheegaan Kenya, lana sameeyo qaab lagu kormeeri karo waxa ka fula heshiisyada ay gaaraan labada dhinac oo ka tarjumaya danaha labada dal.

Cabdicaziiz Golfyare

Idilnews