Hot Topics

Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta u socdaalaya dalka Kenya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa maalinida berrito ah ku wajahan magaaladda Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kaddib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa magaaladda Nairobi ku joogi doona booqasho labo maalmood ah, isagoona kulamo la qaadan doona Madaxda dalka Kenya, sida Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ay ka wada-hadli doonaan xiriirka dublamaasiyadeed ee labada dal, iyo sidii loo soo nooleyn lahaa wada shaqeyntii labada dowladood ee dhinacyada, Amniga, Ganacsiga iyo Isku socodka labada shacab.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa xumaa tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Socdaalka Maxamed Xuseen Rooble ee dalka Kenya xilli uu Ra’iisul Wasaaruhu ganafka ku dhuftay wareegto kasoo baxday Farmaajo, taas oo aheyd in aysan Hay’adaha DFS gali karin, heshiisyo, Is Af-garad iyo wada-hadalo, inta lagu guda jiro doorashooyinka.

Idilnews