Hot Topics

Akhriso: Magacyada iyo Beelaha xubnaha lagu qoray kuraasta Puntland Aqalka Sare ee BJFS

Magacyada, Beelaha iyo dadkii lagu badalay musharraxiinta u tartami doona Aqalka sare ee Puntland halkaan ka akhriso.

1. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ( Faroole) Horrey ayuu xilkaan ugu fadhiyay waa Ciise Maxamuud Muuse Ciise, Waxaana la tartamaaya Maxamed Cismaan Colaad

2. Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) waa Cumar Maxamuud reer Mahad waxaana la tartamaysa Kowsar Cabdullaahi Xirsi, Waxaana horrey ugu fadhiday kursiga Shugri Aaden Camey

3. Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) waa Dashiishe waxaana la tartamaay Maxamed Geedi Maxamuud, waxaana horrey kursiga ugu fadhiyay Cabdirisaaq Cismaan Jurile

4. Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacade) Waa Dhulbahante Jaamac Siyaad waa wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland waxaana la tartamaaya Cabdullaahi Maxamed Xaashi Nuur waxaana kursiga kufadhiyay Cabdisalaan Xaaji Maxamuud

5. Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan ) waa Cali Saleebaan waa guddoomiyaha gobolka Bari waxaana la tartamaaya Ismaaciil Mire Muumin waxaana horrey kursigaan ugu fadhiyay Maxamuud Mashruuc

6. Daahir Ayaanle Siciid waa Cismaan Maxamuud Muuse Suldaan waxaana la tartamaaya Maxamed Cumar Maxamed, waxaana horrey ugu fadhiyay kursigaan Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

7. Farxaan Cali Xuseen waa Leelkase Fiqi Ismaaciil horrey ayuuna xilkaan ugu fadhiyay waxaana la tartamaysa Hodan Isxaaq Maxamed.

8. Seynab Ismaaciil Maxamed waa Warsangali Cumar Bihi-Door waxaana la tartamaysa Aamina Jaamac Ibraahim, waxaana horrey ugu fadhiday xilkaan Siciido Xasan Cismaan.

9. Cabdiqani Geelle Maxamed waa Awrtable reer Axmed waana wasiiru-Dowlaha Kalluumaysiga ahna kusimaha wasiir wasaaradda Kalluumaysiga Puntland waxaana la tartamaaya Cabdiqaadir Maxamed Yuusuf waxaa horrey ugu fadhiyay kursigaan Mahdi Sheekh Nuur.

10. Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad waa Dhulbahante Barkad waxaana la tartamaysa Naciimo Axmed Bakar waxaana horrey ugu fadhiday Hodan Maxamuud Cismaan.

11. Sareedo Maxamed Xasan ( Jeyte) waa reer Maxamuud waxay la dhalatay agaasimaha hay’adda sirdoonka Puntland waxaana la tartamaysa Fartuun Yuusuf Jaamac Waxaana ku fadhiyay Bootaan Barre oo kaso jeeda beesha Jambeel.

Abdirahman Mustaf Mohamed