Hot Topics

XOG: Maxaan kala soconaa liiska Musharixiinta Aqalka Sare ee uu ku dhawaaqay Qoorqoor ?

Saacadaha dhow ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor uu ku dhawaaqo liiska xubnaha ku tartamaya Aqalka Sare.

Wararka ayaa sheegaya in liiskaan aanan lagu soo dari doonin Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” isla markaana kursiga Beeshiisa loo xiray Cabdi Qaybdiid oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in liiska aanan lagu soo dari doonin Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Buqaari, isla markaana kursigiisa loo badalay Aqalka Golaha Shacabka.

Wararku waxay intaa ku darayaan inaysan dood badan ka taagnayn kuraasta kale, waxaana la saadaalinayaa in ilaa iyo Afar ka mid ah xubnihii markii hore Kuraasta Aqalka Sare ku fadhiyay inay ku soo laaban doonaan Boosaskooda.

Idilnews