Hot Topics

Akhriso: Madaxweyne Qoorqoor oo ku dhawaaqay Liiska tartamayaasha Aqalka Sare

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Ahmed Abdi Kaarie (Qoorqoor), ayaa soo saaray Liiska musharixiinta u tartamaya 6 kamid ah kuraasta Golaha Aqalka Sare BJFS ee Galmudug, kuwaas oo ah 8 kursi.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa dib ugu soo celiyay tartanka doorashada qaar kamid ah senatoradii horey ugu fadhiyay kuraasta Aqalka Sare ee Galmudug, isagoona dib u dhigay magacaabista tartamayaasha kursiga uu ku fadhiyay Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), oo uu ku heysto kursiga Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Halkaan hoose ka Akhriso xubnaha ku tartamaya lixda kursiga ee uu shaaciyay Qoorqoor.

1: Cabdi Axmed dhuxulow
Nuur Xasan Guutaale

2: Yuusuf Geelle Ugaas
Daahir Faarax Fiidow

3: Siciid Siyaad Shirwac
Maxamed Daahir Maxamed

4: Samsam Daahir Maxamuud
Farxiyo Maxamed Guure

5: Cabdikariim Macalin Axmed
Ismahaan Cabdi Xuseen

6: Duniyo Maxamed Cali
Qado Cabdullaahi Isxaaq.

Idilnews