Hot Topics

Madaxweyne Qoorqoor “Dalku wuxuu ku heshiiyay doorasho dadban, waxayna ku socota siday aheyd” (VIDEO)

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa sheegay in doorashadii dhawaan ka dhacday Galmudug ee Aqalka Sare ay jireen dad reer Galmudug oo u soo jeediyay dhaliilo kala duwan.

Madaxweyne Qoorqoor uu xusay in doorasada ay aheyd mid dadban , islamarkaana ay ku socoto sidii dad baneyd, loona baahan yahay in loo dulqaato.

“Dalku wuxuu ku heshiiyay doorasho dadban marka doorasho dadban sideey tahay iyo sidii ay aheyd beey ku socotaa, hadadan adiga kursi ka soo helin ama midaa rabtay uusan kursi ka helina in xumani dhacday micnaheeda ma ahan horay aan u socono.” Ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor

Madaxweynaha ayaa intaasi kusii daray “Adeer qofkasta oo Soomaali ah ee soo baxa hadaa tahay musharax cod ka bari cod warso, waxaan leenahay u dulqaado dalka doorashada uu ku heshiiyay si xun wax uu sheegna ha noqonin meeshii lagu tartami jiray xumaanta waa laga soo gudbaywanaaga aaad soo bandhigto ayaa laguugu dooranayaa”

Madaxweynaha Galmudug ayaa hor istaagay Musharaxiin badan oo doonayay in ay u tartamaan Aqalka Sare ka dib markii uu ka reebay, waxaana lagu eedeeyay in uu soo qoray shaqsiyaad asaga taageersan.

Idilnews