Hot Topics

Mucaaradka Turkiga oo ka horyimid $30 Milyan oo loogu deeqay Soomaaliya

Mucaaradka waddanka Turkiga ayaa ka soo horjeestay kaalmada lacageed oo ay dowladda Erdogan u ballan qaaday Soomaaliya, taas oo gaareysa 30 Milyan oo dollar.

Sida ay baahisay Wakaaladda wararka Turkiga Wasaaradaha Maaliyadda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis 30 Milyan oo kaalmo lacageed ah lagu siinayo Soomaaliya, waxaana ay intaas ku dartay in 2.5 Milyan oo dollar Mareykanka ah uu Turkigu bil kasta ku shubi doono Akoonada DFS.

Mucaaradka Turkiga sheegay in dalkoodu aanu awoodin lacagtaas, maadaama uu dhaqaalahooda saameeyay COVI19.
Af-hayeenka Xisbiga Shacabka Jamhuuriga ah ee Turkiga ayaa hayaan uu soo saaray ku yiri “Dal aan heli karin 4 Milyan oo dollar oo ay ku iibsado diyaaradaha dab damiska, waxay go’aansadeen inay 30 Milyan oo deeq ah ay siiyaan Soomaaliya”.

Idilnews