Hot Topics

XOG: Cabdirashiid Janan oo mar kale isaga baxsaday gacanta Farmaajo iyo Fahad

Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan), Wasiirkii hore ee Jubbaland ayaa ka guuray hoygii uu ka degnaa magaaladda Muqdisho kaddib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga, Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, in Cabdirashiid Janan oo bilo kahor heshiis la gaaray DFS, uu haatan ka baxsady gacanta Fahad iyo Farmaajo, iyadoona aan la ogeyn waxa uu salka ku hayo khilaafkooda.

Lama oga halka uu u guuray Cabdirashiid Janan, waxaana jira warar sheegaya in la isku hayo kaddib markii Villa Soomaaliya ay ka baxday heshiis dhaqaale oo horey loola galay Janan.

Idilnews