Hot Topics

Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqasho ku tagaya Dalka Masar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho rasmi ah ku tagaya magaalada Qaahira ee dalka Masar, kaddib martiqaad uu ka helay dowladda Masar, isagoo la kulmaya Madaxweynaha dalkaas Abdelfatah Al-Sisi.

Safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Masar ayaa noqonaya kii labaad oo uu dalka dibaddiisa ku aado muddo todobaad gudihiisa, tallaabada safarkiisa ayaa loo arkaa mid uu ku soo celinayo xiriirkii xumaaday ee dalalka muhiimka ah ee Soomaaliya kala dhaxeeyay xiriirka wanaagsan sida Carabta iyo dalalka deriska, inta uu xukunka hayay Madaxweyne Farmaajo.

Qoraal dhowaan uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble, kagana jawaabayay wareegtadii ka soo baxday Madaxweyne Farmaajo ee lagu xadidayay awoodaha hey’addaha dowladda ayaa lagu caddeeyay in aanay Soomaaliya wax dan ah ugu jirin in uu xumaado xiriirka ay la leedahay dariskeeda iyo dunida inteeda kale, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu dadaal ku bixiyay in Soomaaliya ay cilaaqaaad ku dhisan sinnaan la yeelato dalalka muhiimka u ah, isagoo socdaal ku tagay dalalka Jabuuti iyo Kenya, wada hadalo la bilaabay dalka Kenya iyo qaar ka mid ah wadamada Carabta oo xiriirro dibliomaasiyadeed, amni ,ganacsi, waxbarasho kala dhaxeeyo Soomaaliya.