Hot Topics

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal culus oo dhexmaray Ciidanka Galmudug iyo Al-Shabaab

Ciidammada Daraawiishta Galmudug iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay duleedka deegaanka Shabeellow ee gobalka Mudug. Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii ay Al-Shabaab weerar ku soo qaaday fariisin ay Ciidamada Galmudug ku lahaayeen duleedka Shabeelow.

Dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, ayaa sababay khasaare xoogan oo kala gaaray labada dhinac, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Saraakiil ka tirsan ciidamada daraawiishta Galmudug ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii maleeshiyada Al-Shabaab, hase yeeshee waxaa ciidamo ku dhintey dagaalka ka mid noqday Gaashaanle Maxamed Cali Salaad oo ka mid ahaa saraakiisha daraawiishta Galmudug.

Ciidammada Daraawiishta Galmudug iyo Ciidanka Xoogga Dalka, oo garab ka helay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay howlgallo culus ka waday koonfurta Gobalka Mudug, iyagoona Al-Shabaab kala wareegay deegaano muhiim ah.

Idilnews