Hot Topics

Xulalka Gobalada Nugaal iyo Bari oo guul ka gaaray dhigooda Sanaag iyo Sool

Waxaa garoonka Mire Awaare ee magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland galabka ka dhacay labo ciyaarood oo xiiso badan, kuwaas oo katirsanaa Group-ka (A) ee Tartanka 8-aad ee ciyaaraha Gobalada Puntland.

Ciyaarta kowaad ayaa u dhexeysa xulalka Gobalada Nugaal iyo Sanaag, waxaana 3-2 ku adkaaday xulka Gobalka Nugaal oo dhigooda Sanaag ka reebay tareenka Tartanka ciyaaraha Gobalada Puntland, iyadoona Nugaal ay iska xaadirisay wareega afar dhamaadka Tartanka.

Sidoo kale, Ciyaarta labaad ayaa dhexmartay xulalka Gobalada Bari iyo Sool, xulka Gobalka Bari ayaana 4-3 uga adkaaday dhigooda Gobalka Sool.

Xulalka Gobalada Mudug iyo Cayn ayaa horey ugu soo gudbay wareega afar dhamaadka ciyaaraha Gobalada Puntland, kaddib markii ay kasoo adkaadeen xulalkii kula jiray Group-ka (B).

Idilnews