Hot Topics

Wasiir Dhabancad oo la kulmay Madax ka socota Hay’adda UNHCR

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo uu Wehlinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Cali Jubba ayaa kulan la qaatay madax ka socotay Ha’yadda Qaramada Midowbay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR xafiiskeeda Puntland.

Ujeedka kulanka ayaa ku saabsanaa Xoojinta wadashaqaynta hay’adda UNHCR iyo Dowladda Puntland. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay sidii laysaga kaashan lahaa xakameynta qul qulka qqxootiga Yemeniinta iyo Tahriibayaasha ka yimaada Dalka Ethiopia, iyo xal u helista xaaladda barakacayaasha.

Wasiirka ayaa sidoo kale warbixin ka siiyey masuuliyiinta ka socotay Ha’yadda UNHCR
halka ay marayaan howlaha shaqa ee arrimaha bani’aadantinimo ee ay ka wadaan deegaanada Puntland.

Idilnews