Hot Topics

Goormee furmaya Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran, maxaase looga hadlayaa ?

Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa sabtida ka furmaya Teendhada Afisyooni ee magaaladda Muqdisho, sida lagu sheegay qoraal uu baahiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Shirkan oo uu shir-guddoominayo Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble, ayaa looga hadli doonaa diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka iyo sidii horey loogu socon lahaa.

Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa maanta gaaray magaaladda Muqdisho, si ay uga qeybgalaan Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka, sidoo kale Madaxweynayaasha kale ee Dowlad Gobaleedyada ayaa iyaguna berri tagi doona Muqdisho.

Idilnews