Hot Topics

Sidee u dhacay weerarkii Daacish ku dishay Guddoomiyihii Balli-dhidin ?

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar galinkii dambe ee Arbacadii ay kooxda Daacish ku qaaday degmadda Balli-dhidin ee Gobalka Bari, kaas oo lagu dilay Guddoomiyihii degmadda AUN Maxamed Axmed Muumin.

Weerarkan oo ahaa mid gaadmo ah ayaa maleeshiyaadka Daacish ku beegsadeen Guddoomiyihii degmadda Balli-dhidin, oo ku sugnaa duleedka deegaanka, iyagoona intaas kaddib isaga baxsaday goobta.

Ciidammada Puntland oo saldhig ku leh agaagarka degmadda ayaa gaaray Balli-dhidin iyagoona howlgallo ka wada degmadda.

Idilnews