Hot Topics

Wararkii ugu dambeeyay Shirka Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho (VIDEO)

Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay Teendhada Afisyooni ee magaaladda Muqdisho Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Rooble, ayna ka qeybgalayaan Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ah DFS iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir.

Shirkan oo socon doona maalmo ayaa looga hadlaya dardargelinta howlaha doorashooyinka, diyaarinta habraacyada doorashada Golaha Shacabka , raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroonin iyo sidii horey loogu wadi lahaa doorashooyinka dalka ka bilowday.

Madaxda ayaa mid mid uga doodi doona qodobada Shirka, iyagoo gaba-gabada soo saari doona War-murtiyeed ku saabsan waxyaabaha kasoo baxay doodahoodii.

Idilnews