Hot Topics

Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran oo maalintii labaad galay

Waxaa maalintii labaad ka soconaya Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka, kaas oo ay ka qeybgalayaan Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir.

Shirkan oo soconaya sida qorshuhu yahay ilaa Arbacada ayaa qodobada ugu waa weyn ee looga hadlayo yihiin Habraaca doorashada Golaha Shacabka BJFS iyo raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashada oo inteeda badan ay ku maqan tahay Beesha Caalamka.

Sidoo kale, Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa Isla soo qaaday dhameystirka doorashada Golaha Aqalka Sare, kaas oo aysan weli si buuxda u soo saarin xubnihii matali lahaa Dowlad Gobaleedyada Jubbaland, Galmudug, Hirshabelle, Gobalada Waqooyi iyo Banaadiriga.

Idilnews