Hot Topics

Cali Guudlaawe oo looga digay tagista magaaladda Beledweyne (VIDEO)

Wasiirkii hore Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya kana mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka oo muddo xileedkooda dhamaaday Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay xaalada Maamulka Hir-Shabeelle iyo kulamada xal raadinta ah ee ka socda Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wasiir hore Goodax Barre oo la hadlay Tv-ga Somali Cable ayaa sheegay in wada-hadalladii xal raadinta ahaa ee ka socday Beledweyne ay fashilmeen, kadib sida uu sheegay markii Siyaasiyiinta iyo Xildhibaannadii tegay Beledweyne ay qorsho kale la yimaadeen.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Siyaasiyiinta & Xildhibaannada ay qabaan in si awood ah Cali Guudlaawe lagu keeno Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, waxaana Goodax Barre uu ka digay in Cali guudlaawe awood lagu keeno Magaalada Beledweyne.

Ugu dambeyn Wasiirkii hore Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sidoo kale ka digay in Beledweyne laga wareejiyo doorashada Aqalka Hoose, waxaana uu sheegay in doorashada aysan ku xirneyn in madaxweynaha Hir-Shabeelle uu tago Beledweyne.

Muddo ku dhawaad 10 Bilood ayuu dooran yahay Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, waxana dhowr jeer suurtogeli waayay iskudayo ku aadan in uu tago Magaalada Beledweyne, kadib markii ay kasoo horjeesteen Ciidamo uu hoggaaminayo Nin lagu Magacaabo Janeraal Xuud.

Idilnews