Hot Topics

Axmed Karaash oo la kulmay Wafti ka socda Bangiga Adduunka (VIDEO)

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa qaabilay madaxa Bangiga adduunka ee Soomaaliya marwo Kristina Svensson iyo wefti ay hogaaminayso oo ka socda Bangiga adduunka.

Kulanka waxaa qayb-galay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Duqa Magaalada Garoowe waxaana looga hadlay horumarinta iyo sare u qaadista mashaariicda Bangiga adduunka uu ka taageero Puntland.

Gabagabadii weftiga ka socda Bangiga adduunka ayaa kulan la qaatay xafiiska Mashruuca Tayeynta iyo Kobcinta Hay’addaha Dowladda (CIP) waxaana ay warbixin kaga dhegaysteen masuuliyiinta xafiiska CIP ee Puntland.

Idilnews