Hot Topics

Cusbitaal ku kacaya 10 Milyan oo dollar oo laga hirgelinayo Qardho

Eng Maxamuud Khaliif Jabiye, Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Sinaan iyo Cadaalad ee Puntland ayaa sheegay in hada uu gacanta ku hayno mashruuc aad u wayn oo lagu dhisaayo Hospital (Referral Hospital ) kaas oo fulinaya qaliimada waaweyn ee loogu safro dalka dibadiisa.

Mashruucaan ayuu sheegay in uu kacayo qiima dhan $10Milyan oo dollar, waxaana laga hirgelin doonaa Magaalada Qradho ee xarunta gobolka Karkaar.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka uu Facebook soo dhigay Eng. Jabiye.

Waxaan ugu bishaaraynayaa bulshada reer Puntland si gaar ah shacabka Qardho in hada aanu gacanta ku hayno mashruuc aad u wayn oo lagu dhisaayo Hospital (Referral Hospital ) ee fuliya qalliinada waa wayn ee loo aadi jiray dalka dibadiisa.

Mashruucaan waxaa ku kacaaya qiima dhan $10M waxaana looga maarmi doonaa dhaqaalihii tirada badnaa ee uga bixi jiray bulshada reer Puntland safaradda dhaadheer.

Mahsruucaan dhawaan ayaan ka dhagax dhigi doonaa magaalada Qardho.

Idilnews