Hot Topics

Ganacsiyada koonfurta Gaalkacyo oo maanta xiran

Goobaha ganacsiga koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa maanta xiran, kaddib amar xalay ku baxay laamaha Amniga Galmudug.

Waxaa si rasmi ah u dhaqan galey awaamiirtii kasoo baxay laamaha Amniga Galmudug, kaas oo ahaa in la xiro maanta goobaha ganacsiga, sidoo kalena dadka ay kasoo qeyb galaan banaanbax looga soo horjeedo Al-Shabaab

Wadooyinka waaweyn ee Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa la dhigay Ciidamo Boolis ah, waxaana socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee banaanbaxa lagu dhiirigelinayo Ciidamada dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Degaannada Galmudug ayaa waxaa xilligaan ka socda guluf dagaal oo ay wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Galmudug, kaas oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Idilnews