Hot Topics

Canfarta Itoobiya oo sheegtay in Al-Shabaab iyo Jabuuti la-dagaalamayaan

Gobolka Siti ee Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya waxaa ka socda dagaal sababay qasaare badan oo u dhaxeeya Canfarta iyo Soomaalida. Waxaa lagu soo warramayaa in weli ay labada dhinac is horfadhiyaan.

Dagaalka xooggiisa ayaa la sheegay in uu maanta ka socdo deegaanka Garba-Ciise, halkaas oo laga soo sheegayo khasaare aan la cayimin.

Maamulka Deegaanka Canfarta ayaa ku eedeeyay Dowlad Deegaanka Soomaalida in ay isku dayayaan inay gacanta ku dhigaan Mile, oo ka tirsan gobolka Canfarta, isla markaana ah magaalo muhiim u ah ganacsiga u dhaxeeya Itoobiya iyo Jabuuti, taas oo maamulka Dowlad Deegaanku uu beeniyay.

Qoraal ka soo baxay maamulka deegaanka Canfarta waxaa lagu sheegay in dad rayid ah ay ku dhinteen dagaal cusub oo ay sheegeen in “Soomaalida ay soo qaadeen” Arbacadii kaas oo ka dhacay deegaannada Gebi Resu iyo Awesi Resu.

Warsaxaafadeedka waxaa ku qoran eedeyeen ah in maamulka Soomaalida ay “ciidamo ku daad-gureeyeen deegaanka Candhuufo, ayna ku dileen dad rayid ah.”

Weli ma cadda waxa sababay dagaalkan soo cusboonaaday. Balse colaadda u dhexeysa labada dhinac waxay salka ku haysaa xuduud.

Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa beenisay in ay dagaalka iyaga bilaabeen, iyagoo sheegay in Canfarta ay soo qaadeen weerarka.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, Maxamed Rooble Maxamuud, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in Canfarta ay weerarka soo qaadeen.

“Iyagoo dalkayaga haysta ayay ina soo weeraraan oo waxay doonayaan in ay ilaa Diridhaba na gaarsiiyaan,” ayuu yiri.

“Haddaan annagu dagaalka soo qaadno gar ayayba inoo ahaan lahayd, sababtoo ah dhulkeennii oo dhan ayay heystaan, dadkeennii ayay barakiciyeen, dad ayay ku gowraceen Garba Ciise. Hadda cidda soo qaadday waa la ogyahay, dowladda dhexena waa ogtahay,” ayuu yiri.

Warsaxaafadeedka maamulka Canfarta ayaa waxaa sidoo kale ku xusan in waddada weyn ee isku xirta Jabuuti-Addis Ababa ay xiran tahay sababo la xiriira dagaalka, balse BBC ma xaqiijin karto arrintaas.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaysan ilaa iyo haatan sheegin labada dhinac.

Maamulka Canfarta ayaa “ka codsaday dowladda dhexe ee Itoobiya in ay arrinta soo farageliso”, inta uusan dagaalka sii xumaan.

Dabayaaqadii bishii July, Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in maleeshiyaad ka soo jeeda gobolka deriska la ah ee Canfarta ay weerar soo qaadeen isla markaana ay dhac geysteen.

Maamulka Canfarta wuxuu sheegay “in Soomaali kale ay dagaalka qeyb ka tahay, kuwaas oo taageeraya ciidamada dowlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya”.

Balse Maxamed Rooble, ayaa beeniyay eedeymahaas wuxuuna yiri: “Waxaa wax lala yaabo ah, in ay sheegayaan in ‘Alshabaab ay la dagaallameyso, Soomaaliya ay la dagaallameysa; Jabuuti ay la dagaallameyso; Somaliland la dagalalameyso.

“Sheekooyinkaas ayay warbahainta la taagan yihiin. Qof walba wuu garanayaa in Alshabaab aysan halkan ka dagaallami karin,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin in dagaalka la joojiyo, haddii dowladda dhexe ee Itoobiya ay amarto, balse ay doonayaan in dhanka kale ay iyaguna nabadda qaataan.

“Annagu diyaar ayaan u nahay, balse iyadoo ay dhanka kale heystaan dhulkeennii, iskuulladeennii iyo masaajiddadeennii, haddii nala dhoho nabad qaata, taasi waxay noqoneysaa nabad aan nabad ahayn,” Ayuu yiri Maxamed Rooble.

xigasho bbc somali