Hot Topics

Akhriso: Puntland iyo Dowlad deegaanka Soomaalida oo heshiis ku gaaray Goldogob

Wufuud ka kala socotay Dowladda Puntland iyo Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa shir ku yeeshay degmada Goldogob ee gobolka Mudug.

Shirkan waxa ka qayb galay madax ka socotay Wasaaradda Maaliyadd, Wasaaradda Ganacsiga , maamulka gobolka Mudug iyo Hay’adaha amniga gobolka Mudug, halka dhanka DDS Itoobiya u matalayeen Guddoomiyaha gobolka Doollo, guddoomiyayaashii degmooyink Bookh, Galxamur,Galaadi,Danood iyo hay’adaha amniga ee gobolka.

Madaxda labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wadahadlay wadashaqeynta amniga,ganacsiga,cashuuraha iyo xoojinta iyo iskaashiga Puntland iyo DDS Itoobiyaiyo.

Sidoo kale shirka ayaa la isula gartay in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka argagaxisada iyo falalka kale ee amniga labada dhinac lidka ku ah.

Shirkan ayaa gabagabadiisa laga soo saaray warmurtiyeed ay si wada jir ah usoo saareen Puntland iyo DDSI.

Idilnews