Madaxweyne Deni oo gaaray Nairobi, muxuu yahay ujeedada safarkiisa ?

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo uu kulamo ka bilaabi doono.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu la kulmi doona Wakiilo ka socda dalalka caalamka, iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida, iyagoo ka wada-hadli doona Arrimaha Doorashooyinka Dalka.

Siciid Deni ayaa la rumeysan yahay inuu yahay musharax Madaxweynaha DFS, waxaana uu wadaa olale uu ku raadinayo taageero caalami ah iyo jilba culus siyaasdeed.

Idilnews