Hot Topics

Cudurka COVID-19 oo si weyn ugu faafaya Gaalkacyo & ilmo yar oo laga helay

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya inuu fara ba’an ku hayo magaaladaas iyo deegaanada ku xeeran cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa sheegay in cudurku maalmihii ugu dambeeyay uu soo ritay dad fara badan, kuwaas oo haatan lala tacaalayo xaaladooda.

Dadka cudurka COVID-19 uu haleelay ee kunool Gaalkacyo ayaa waxaa kamid ah ilmo yar oo jira hal sanno iyo bilo, kaas oo laga helay kaddib baaris lagu sameeyay.

Dhakhtarta caafimaadka ayaa ugu baaqaya Shacabka inay muujiyaan feejignaan, maadama uu cudurku si weyn u saameeyay magaalada Gaalkacyo iyo Guud ahaan Puntland.

Idilnews