Hot Topics

Maxaad kala socotaa howlgalada Ciidanka Puntland ee buuraleyda Bari iyo Sanaag ?

Ciidammada Amniga Puntland ayaa howlgallo culus oo ka dhan ah kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish ka wada Buuraleyda Gobalada Bari iyo Sanaag.

Howlgaladan oo ah kuwo si wadajir ah ay u fulinayaan Ciidammada Daraawiishta, PSF-ta iyo PMPF Puntland ayaa si balaaran uga socda deegaanada iyo dhulka buuraleyda ah ee dhaca buuraha Calmadow iyo Calmiskaad, waxaana haatan ay si xariir ah soconayaan bilo.

Howlgaladan oo qeybo kamid ah ay hoggaaminayeen Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Gallan iyo Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland ee Daraawiishta ayaa lagu beegsanayaa saldhigyo ay buuraleyda fog ku lee yihiin Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana lagu dilay intay socdaan xubno katirsan labada kooxood, iyadoona sidoo kale lagu qabtay maxaabiis iyo saanad milateri.

Puntland ayaa xoojisay dagaalka ka dhanka ah Argagixisada ku sugan Buuraleyda Gobalada Bari iyo Sanaag, waxaana cutubyo cusub oo kamid ah Ciidanka Puntland la geeyay deegaanada dhaca dhulka buuraleyda ah, kuwaas oo ka sameystay fariisimo cusub.

Sidoo kale, Xukuumadda Puntland ayaa kordhisay dhaqaalaha ku baxa Ciidammada iyo la-dagaalka Argagixisada, taas oo horseeday in la xaqiijiyo Amniga magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo oo tobankii sanno ee u dambeysay ay saameyn balaaran ku lahaayeen Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo ka geysan jiray dilal, qaraxyo iyo weeraro gaadmo ah.

Idilnews