Gaalkacyo: Puntland oo mar kale Maxkamadeynaysa xubnihii ugu badnaa oo Al-Shabaab ah

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maalmaha soo socda bilaabaysa dhageysiga dacwadaha rag loo heysto inay katirsan yihiin maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.

Maxkamadeynta oo ka bilaabanaysa magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay inay kasoo muuqan doonaan ilaa 5 shabakadood oo Al-Shabaab, uga howlgalaysa Gaalkacyo, kuwaas oo geystay falal isugu jira dilal iyo qaraxyo.

Dhowaan ayay aheyd markii ay Puntland duleedka magaalada Gaalkacyo ku toogatay 18 kamid ah maleedhiyaadka kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaashii Al-Shabaab ee Gobalka Mudug.

Ammaanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay soo hagaagayay, iyadoona magaalada la geeyay Ciidammo fara badan oo Boolis iyo Milateri ah iyo Sirdoon, kuwaas oo ku guuleystay soo qabashada shabakadihii Al-Shabaab ugu howlgayay Gaalkacyo tan iyo 2008-dii.

Idilnews