Hot Topics

Itoobiya oo qabatay hub fara-badan oo loo waday TPLF

Ciidamada Booliska Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa waxaa la sheegay inay qabteen 284 ruux oo lagu tuhmay inay geysan rabeen falal argagaxisanimo

Taliye kuxigeenka Booliska Magaalada Addis Ababa Xasan Nagaash ayaa sheegay in xubnahani ay xiriir wadashaqayneed la lahaayeen Ururka TPLF ee dagaalka kula jira Ciidamada Federaalka Itoobiya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ragga ay Ciidamada qabteen ay wateen hub kala duwan oo iskugu jira 199 Baaskooladood, 2453 oo xabo rasaasa 32 qoriga Kalaashkoofka ah iyo 5049 oo rasaastiisii ah iyo Afar xabo oo diirada Dagaalka ah.

Idilnews