Hot Topics

Muxuu Ra’iisul Wasaare Rooble kala hadlay Guddiyada Doorashooyinka ?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kula qaatay Xafiiskiisa Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka.

Kulanka ayaa looga hadlay dardar-gelinta Doorashooyinka, gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka BJFS, waxaana uu Guddiyada sharaxaad ka siiyay geeddi socodka doorashada, isagoo ku boorriyay in ay si dhow u wada shaqeeyaan, doorashadana u maamulaan si hufan.

Idilnews