XOG: Madaxweyne Guudlaawe oo ku dhawaaqaya Liiska tartamayaasha Aqalka Sare & Muuse Suudi

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), ayaa lagu wadaa in 48 saac ee soo soocoto uu soo saaro Liiska Musharixiinta ku tartamaya kuraasta Golaha Aqalka Sare ee BJFS ku matalaya Hirshabelle.

Ilo-wareedyo lagu kalsoo yahay ayaa u sheegay Idilnews in Madaxweyne Guudlaawe uu ilaa berri shaacinayo liiska xubnaha, si sabtida soo socota ay Baarlamaanka Hirshabelle u guda-galaan doorashada.

Xubnaha kasoo muuqanaya Liiska cusub ee Cali Guudlaawe ayaa waxaa kamid noqonaya Muuse Suudi Yalaxow, iyo Dr. Cismaan Maxamuud Dufle, oo kamid ahaa Senatorada Golaha Aqalka Sare ee waqtigoodu dhamaaday, kuwaas loo badinayo inay difaacdaan kuraastooda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweynaha Hirshabelle musharixiinta ku dhow inay difaacdaan kuraasta uu ku qorayo, maadama uusan doonayn inuu saameyn ku yeesho doorashada hoolka Baarlamaanka, ayna ka gataan Xildhibaanada codadkooda, talaabadan ayaana fursad dhaqaale u ah Baarlamaanka Hirshabelle oo muddo bilooyin ah aan wax mushaar iyo guno ah arag.

Idilnews