Hot Topics

Shir looga hadlayo Hormarinta degmooyinka Puntland oo ka furmay Garoowe (VIDEO)

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Cabdiwali Mire Hirsi ayaa daahfurey shirka xoojinta isku-xirka bahwadaagta Ka shaqeysa adeeg bixinta heer degmo ay soo qaban qaabiyeen Dowladda Hoose ee Degmada Garowe.

Shirka ayaa sidoo kale Waxaa Ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Maxamed Cali Nuur Juba, Agaasimaha Waaxda Dowladdaha Hoose Maxamed Goojacade, Duqa Degmada Garowe Ahmed Barre, qaar Ka mida Agaasime waaxeedyada dowladda Hoose ee Degmada Garowe, Hay’adda UN-JPLG, hay’addaha caalamigaa iyo kuwa maxaligaaa.

Inta uu socday Waxaa looga doodey sidii mashaariicaha Hormarinta ee heer degmo ay noqon lahaayeen kuwo waafaqsan qorshaha Degmada ee 5 sano.

Ugu danbeyntii shirka ayaa kusoo gabagaboobay Guul iyo in la dardargaliyo adeegyada Bulshada Lana xoojiyo wadashaqeynta iyo waadaagida xogta ee Wasaaraddaha Dowladda, Hay’addaha iyo Dowladda Hoose ee Degmada Garowe.

Idilnews