Hot Topics

Madaxweyne Axmed Madoobe oo fariin u diray shaqaalaha Jubbaland TV

Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa hambalyo u diray Maamulka iyo howlwadeenada Telefishinka Jubbaland, kuwaas oo maanta u dabaal-degaya 6 sanno guuradii kasoo wareegtay aasaaskii Telefishinka.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in dhamaan maamulka iyo shaqaalaha Jubbaland TV ay muujiyeen dhabar adeeg, isagoona bogaadiyay hufnaanta shaqo ee ay muujiyeen.

Halkaan hoose ka Akhriso Qoraalka Madaxweynaha Jubbaland.

Waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan howladeenada iyo shaqaalaha kala duwan ee Jubaland TV meel walba oo ay joogan, waxaana la wadaagayaa farxada munaasabadan weyn ee lix sano guurada aas aaska Jubaland TV.

Dhamaan maamulka iyo shaqaalaha Jubaland TV waxaa ay muujiyeen dhabar adayg marxaladahii kala duwanaa ee Warbaahinta Dowladu ay soo martay iyo hufnaan shaqo oo bogaadin mudan.

Waad mahadsantihiin.

Idilnews