Madaxweynaha Puntland oo u dhoofay dalka Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta safar aan la shaacin ugu amba-baxay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Lama oga ujeedada socdaalka Madaxweyne Deni ee Dubai, balse wararaka ayaa sheegaya inuu safarkiisu daaran yahay Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya, isagoona Dubai kula kulami doona madaxda dalka Imaaraadka Carabta.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweynaha Puntland uu caawa ku hoyan doono magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Idilnews