Al-Shabaab oo fagaare ku toogatay labo qof

Ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro kuyaal degmada Jamaame oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose waxaa ay ku toogteen laba Nin oo ay u jeediyeen Eedeyn kala duwan.

labada Nin ayaa Al-Shabaab waxaa ay sheegeen in mid kamid ah uu katirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya midka kalena uu ku Shaqeysan jiray Sixirka.

Goobta fagaaraha ayaa waxaa ku sugnaa Boqolaal Ruux oo Al-Shabaab ku amreen inay u soo daawasho tagaan, waxaana ragga la toogtay Magacyadooda lagu kala sheegay Cabdullaahi Xassan Cumar oo ahaa ninka lagu eedeeyay sixirka iyo Maxamad Mowliid Aadan oo loo heystay in uu ka tirsanaa Ciidamada dowladda.

Idilnews