Hot Topics

Puntland oo marti-gelisay shir looga hadlayo wada-shaqeynta DFS iyo DG (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowlada Puntland ayaa daah furay Shir looga hadlayo xoojinta xiriirka wada shaqaynayd ee Wasaaradaha Arimaha gudaha ee DFS, dowladaha xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa soconaya mudo laba bari ah waxaana looga hadlaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka wadashaqyanayd ee wasaaradaha arimaha gudaha Dowladaha xubnaha ka ah dhexe, DFS iyo gobolka banaadir. Shirka ayaa sido kale daaranaa sidii laysula wadaagin lahaa wixii khibrado iyo waayo aragnimo ee laxiriira arimaha gudaha.

Waxaana kasoo qayb galay qaar kamid ah golaha xukuumada dowladda Puntland, qaar kamid ah agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dowladda Puntland, Agaasimayaasha guud ee wasaaradahaha arimaha gudah DFS, dowladaha xubnaha ka ah dowladda DFS iyo Gobolka Banaadi, masuuliyiin kasocdey UNDP iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha guud ee Wasaarada arimaha gudaha faderaalka iyo dimuqraadiyaynta Maxamed Cali Nuur jubba ayaa faah faahiyay ujeedada shirka.

Qaar kamid aha agaasimayaasha guud ee wasaaradaha arimaha gudaha dowladaha xubnaha ka ah DFS ayaa soodhaweeyay shirka waxa ayna shegeen in ay wax badan kafaa’idi doonan.

Wasiir kuxigeenada wasaaradaha waxbarashada , Amniga iyo Maaiiyada oo ka hadlay Shirka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ula shaqayn lahayeen wasaaradaha dhigooda ah.

Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha federaalka iyo dimuqraadiyaynta dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan dhabancad ayaa ku dheerada muhiimada ay leedahay wada shaqayntu leedahahay waxa uuna sido kale ka hadlay Nidaamka Federaalisinka iyo siduu muhiim ugu yahay dowlad dhiska Soomaaliya.

Idilnews