Puntland iyo IFRC oo ka wada-hadlay Ammaanka Hay’adaha samafalka (Sawirro)

Wasiiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland Mudane Ismaciil Saleebaan Geelle oo uu wehliyo Agaasimaha Guud Maxamed Iimaan ayaa kulan is xog wareysi ah la yeeshay saraakiil ka socotay International Federation of Red Cross and Red Cresent Society (IFRC).

Kulankaan ayay Wasaaraddu ugu sheegtay hay’addaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arimaha samafalka gaar ahaana IFRC in Amaanka Puntland la isku halayn karo ayna faran yihiin in ay ka shaqeeyaan dhamaan deegmada Puntland.

Saraakiishan ayaa aad ugu amaanay Wasaaradda Amniga Puntland, Laamaha kala duwan ee Amniga iyo Xukuumada Puntland siday xooga u saartay sugida Amniga iyo adkeynta xasiloonida deeganada Puntland.

Idilnews